SO | EN

SO | EN

Mushaarka xoogaga Alshabaab oo hoos u dhacay

|

Muqdisho (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab oo haatan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka kala kulmeysa culeyskii ugu xooganaa ayaa hadane soo wajahday xaalad kale oo dhaqaale oo aad u baahsan, waxaana meeshii u hooseysay gaaray mushaaraadka xoogaga u dagaalama kooxda, kadib markii laga xiray akoono ay lacago badan ugu jireen.

Dagaalka ay qaaday dowladda ayaa ka kooban saddex jiho oo kala ah, Milatariga, Fikirka iyo sidoo kale Dhaqaalaha, taas oo ujeedkooda uu yahay in lagu cuuryaamiyo Al-Shabaab.

Khubaro dhanka sirdoonka ah ayaa shaaca ka qaaday in uu hoos u dhacay mushaarka ay kooxda bixiso, isla-markaana uu gaaray meeshii ugu hooseysay, ayadoo dagaalyahankiiba uu haatan mushaar ahaan u qaato lacag dhan 10 dollar, maadaama dhaqaale xumo ay soo wajahday kooxda, sidoo kalena laga qabsaday meelihii ay lacagaha badan ka heli jireen.

Mushaarka ay markii hore bixin jirtay kooxda ayaa u dhexeeyey $50 ilaa $100 oo la siinayo qofkiiba, balse ay hada u dhowdahay in la waayo wax la siiyo, sida ay sheegayaan khuburadu.

Sidoo kale waxa ay ilo wareedyadu intaasi ku dareen in arrintaan ay dhacday afartii bilood ee u dambeysay markaas oo aheyd xiliga ay dowladu bilowday dagaalka dhaqaale ee AlShabaab.

Ilaha dhanka sirdoonka ee baahiyay xogtan ayaa sidoo kale sheegay in haddii sidan lagu sii hayo kooxda ay sababi karto in laga adkaado, isla-markaana laga tirtiro dalka oo dhan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News