Laascaanood (KAAB TV) – Musharraxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku cambaareeyeen faragelinta dowladda federaalka, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), uu ku hayo hannaanka doorashada xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi.
Sidoo kale, war-saxaafadeedkooda ayey ku sheegeen in Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Xildhibaannada oo uu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha aan lagu dhisin hab waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowlad-dhisidda, islamarkaana uusan metelin saamileyda deegaanka.
“Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu si toos ah ugu adeegayaa musharrax gaar ah, isagoo marin habaabinaya geeddi-socodka dhismaha maamulka si uu u gaaro natiijo horay loo sii qorsheeyay.” ayey ku shegeen war-saxaafadeedkooda.
“Hab-dhaqanka wasiirka waxa uu sababi karaa khilaaf beeleedyo furan, burbur ku yimaada rajada dhismaha maamulka cusub, iyo kalsooni darro soo wajahda shacabka iyo beesha caalamka.”
Musharraxiinta ayaa sheegay in aysan aqbali doonin doorasho si gaar ah loogu daneynayo musharrax gaar ah, islamarkaana aysan suuragal ahayn in la aqbalo hannaan aan lagu dhisneyn wada-tashi iyo heshiis siyaasadeed oo ay wada leeyihiin saamileyda deegaanka.
Maamulkan cusub ayaa haatan lakul maya culeysyo siyaasadeed, iyadoo Puntland si adag uga hortimid, madaama ay ku dooday in dhul ahaan uu ka tirsanyahay maamulka Puntland. Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda federaalka ay jebineyso dastuurka dalka iyadoo si qasab ah u dhexgaleysa deegaan siyaasadeed oo aanay u bisleyn doorasho rasmi ah.
Halka Somaliland dhankeeda dhisida maamulkan ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ku xad-gudbaya xuduudaha Somaliland.
Sikastaba, arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maamulka cusub ee Waqooyi Bari si rasmi ah loo dhisay 30-kii Luulyo 2025, kaddib shir ballaaran oo ka dhacay magaalada Laascaanood, halkaasoo oo lagu ansixiyay dastuurka maamulka.

