MAHADAAY (Kaab TV) – Wararka naga soo gaaraya degmada mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen falal lidi ku ah ammaanka ka dib markii la musuq maasuqay raashiin lagu tagalay dadka ku nool degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoonyahy oo ku sugan degmada mahadaay ayaa u sheegay warbaahinta in uu halkaas uu ka jiro musuq masuq xoogan.waxaa jira tuhunno la xiriira leexinta gargaarka bini’aadantinimo ee loo qoondeeyay degmadas, gaar ahaan iibinta inta la sheegay 21 loor oo gargaarka bini’aadantinimo .
Eedeymahan, ayaa soo shaac baxay tan iyo markii degmadaas la gaarsiiyay gar gaarka bini’aadantinimo oo loogu tala galay in lasiiyo dadkii kabarakacay fatahaadii iyo dagaaladii u dhaxeeyay ciidamada dowlada soomaaliya iyo ururka alshabaab ee ka dhacay degmada mahadaas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada mahadaay oo la hadlay warbaahita ayaa sido kale waxay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in baaritaan dhammaystiran lagu sameeyo gargaarkii bini’aadantinimo ee degmadaas la gar siiyay si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka ku xeeran iibinta deeqaha muhiimka ah ee la sheegay ee deeq-bixiyeyaasha kala duwan ay soo gaar siiyeen degmadaas.
Wax ka qabashada walaacyada halkaas ka jira si diblomaasiyadeed ayaa muhiim u ah ilaalinta daah-furnaanta, ilaalinta isla xisaabtanka, iyo xaqiijinta in si siman loo qaybsado gargaarka bini’aadantinimo ee bulshooyinka u baahan sidaas waxaa yiri ‘mid ah dadka kuunol degmadas.
Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa dhawaan 30 gaadiidka nuuca xamuulka qaada ah oo sida shixnad gargaar mucaawino ah u dirtay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo deegannada hoostaga ee Maamulka Hirshabeelle.
Mucaawinadan ayaa loogu talagalay in la garsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee sameenta ka soo gaartay Fatahaada wabbiga Shabeelle ku nool gudaha Mahadaay iyo tuuloyinka ku xeeran.