SO | EN

Musuqmaasuq: Diiwaangelinta lacagaha lagu buufiyo bajaajyada A iyo B oo ku dhacda akoono shakhsiyaad gaar ah

|

 Muqdisho (Kaab TV) – Diiwaangelinta lacagaha lagu buufiyo bajaajyada A iyo B ayaa la ogaaday inay ku dhacdo xisaabaadka (akoonada) shakhsiyaad gaar ah, sida uu ogaaday Kaab TV.

Waxaa si gaabis ah ku soconaya diiwaangelinta mooto Bajaajta magaalada Muqdisho, kadib markii uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir amar ku bixiyay in aaney jiri doonin Bajaaj aan A ama B ahayn oo ka dhex shaqeyn doonta magaalada Muqdisho.

Waxaana safaf dhaadheer iyo cariiri ka muuqdaa goobaha loo asteeyay diiwaangelinta Bajaajta ee magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Benaadir oo fulinaya amar Golaha Wasiirrada ka soo baxay horraantii Bishan Abriil oo bajaajyada Caasimadda loogu kala qeybinayay labo koox oo kala ah ‘A’ iyo ‘B’ oo maalinba mid uu shaqeyn doono ayaa sheegay in halkii Bajaaj lagu diiwaangelin doono lacag dhan $35 dollar.

Qaar ka tirsan wadayaasha ayaa sheegay in lacagtaas loo qaado sida Guddoomiyuhu sheegay, balse ay ka duwan tahay xaqiiqda in lacagtu tahay goobaha qaar $35 dollar halka goobaha qaarna ay yihiin $36 dollar, kuwaas oo lagu shubo akoonno khaas ah oo kala duwan.

Akoono gaar ah 

Qaar ka mid ah Bajaajlayaasha is diiwaan geliyay ayaa sheegay in lacagaha ay ku direen akoonno shakhsi ah, halka qaar kalena ay caddeyn keeneen in lacagta ay ku direen akoonno ku magacaaban ganacsi gaar loo leeyahay.

Arrinkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirtay hadalheyn ku aaddaneyd in markii horeba ujeedada laga lahaa Bajaajta in loo kala qeybiyo ‘A’ iyo ‘B’ ay ahayd in lacag laga sameeyo oo qandaraasleyaal kala duwan lagu naas nuujiyo, tiiyo aaney jirin meel loogu tartamay bixinta qandaraaska diiwaangelinta Bajaajta.

Dadka qaar ayaa shaki weyn ka muujiyay in lacagta aan lagu shubin akoon dowladeed ama xitaa midka maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku dhaceyso mid gaar loo leeyahay, iyada oo ay kala badan yihiin lacagaha laga kala qaado mootooyinka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli ka jawaabin sababta lacag kala duwan looga qaado bajaajleyda iyo sababta akoono gaar loo leeyahay loogu shubayo lacagtan.

Toddobaadkii hore ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu shaaciyay in 24 Bishaan la billaabay buufinta mootooyinka, inkastoo ay Dowladda Hoose ee Xamar aysan weli si rasmi ah u shaacin wakhtiga ay ku egtahay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News