Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir ballaadhan oo lagaga hadlayay jabkii iyo khasaarihii ka dhashay dagaalladii shalay ka dhacay deegaannada ku hareeraysan magaalada Laascaanood, isagoo iskugu yeray madaxda iyo haldoorka Somaliland ugu sarreeya.
Sidoo kale, waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii shacabka reer Somaliland ugu midoobi lahaayeen wax kasta oo qarankooda kusoo kordha, wada-jirna qarankooda ugu difaaci lahaayeen.
Dhanka kale, kulanka kadib waxa bulshada si wada jir ah ula hadlay madaxweynha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo murrashaxa xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxana ay bulshada ugu baaqeen wada-jir iyo inay garab istaagaan ciidamada qaranka ee lasoo weeraray.
Muuse Biixi ayaa waxa uu farriin cad u diray beesha caalamka, wuxuuna uu sheegay iney ciidamada qaranku waxba u noqonaynin arrintii shalay dhacday, siina wadi doonto kaalinteedii nabadeed ee ay caalamka ugu jirtay sidoo kale, Muuse Biixi waxa uu bulshada uga digay war-xumo-tashiilka cadowga ah ee ku hawllan sidii Somaliland loo burburin lahaa, kana feejignaadaan wax kasta oo midnimadooda iyo wada-jirkooda dhaawacaya.