Hargeysa (Kaab TV) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku adkeystay inuusan ciidankiisa ka saari doonin magaalada Laascaanood ee guud ahaan gobolka Sool, sida uu kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.
Waxaa beryahan socday cadaadis maamulka Somaliland lagu saarayey inay ciidankeeda kala baxdo Laascaanood si loo xalliyo colaadda sii socota ee weli ka taagan magaalada Laascaanood.
“Ciidanka Somaliland waxay difaacayaan xuduuddii uu saxiixay Garaadka maanta ka dagaalamaya Laascaanood, ee adeerkiina uu ku saxiixay Burco,” ayuu yiri madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyay masaajid ku yaalla magaalada Hargeysa Jimcihii shalay halkaasoo uu dadweynaha kula tukaday salaadda Ciidda.
Wuxuu Muuse Biixi sheegay in ka badan 12 jeer in lasoo weeraray ciidanka Somaliland ee ku sugan Laascaanood, balse “mar qura maysan qaadin weerar. Dad badan baa leh maxaa loo weerari waayey. Oo yaan weerarnaa waa Somaliland e,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Eedeynta Puntland
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa eedeyn markale u jeediyay maamulka Puntland oo uu sheegay inay ku dhex jiraan dadka Laascaanood oo colaadda ay hurinayaan.
“Balaayada ku dhex jirta ee shisheeyaha ah – gacanta shisheeye, waxaan leenahay ka faa’iifi meysaane ee daaya. Gaar ahaan Puntland ma suurtoobeyso colaadda aad waddaan,” ayuu yiri madaxweyne Biixi.
Hadalka Muuse Biixi ayaa yimid iyadoo toddobaadkii hore xubnaha beesha caalamka ay ugu baaqeen in Somaliland ay kala baxdo ciidankeeda magaalada Laascaanood si nabad looga gaaro dagaalka weli ka socda Laascaanood.
Xooggaga ka dagaalamaya Laascaanood ee jabhadda deegaanka SSC iyo odayaasha dhaqanka ayaa horey u soo jeediyay shuruud ahayd in wada hadal lala galo Somaliland ay ku xiran tahay in marka hore Somaliland ay la baxdo ciidankeeda ku sugan Laascaanood, dibna ugu laabato deegaanka Oog oo ay sheegeen inay soohdin u tahay beelaha Isaaq iyo Dhulbahante.