Burco (Kaab TV)– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu kormeer ku tegay Isbitaalka guud ee Burco iyo Isbitaalka ciidamada Somaliland, isaga oo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad.
Muuse Biixi ayaa waxa uu mid mid u dul istaagay una gacan qaaday askarta ciidamada Somaliland ee ku soo dhaawacmay dagaaladii kala dambeeyey ee ka dhacay magaalada Laascaanood, wuxuuna ugu duceeyay in u Illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood.
Madaxweynaha Somaliland ayaa ka dhawaajiyay in xukuumaddiisa ay u hurayso wax walba oo la xiriira daryeelkooda caafimaad, hal-yeyadii naftooda u huray difaaca dalka iyo askartii kudhimatay ayuu ugu duceeyay, naxariistii janno Alle ka waraabiiyo, islamarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.
“Wuxuu ku bogaadiyay sida fiican ee bahda caafimaadka oo ay hoggaaminayso wasaaradda horumarinta caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyaga oo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Isbitaalada Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysa,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Xogaha qaar ayaa intaas kusii daraya in madaxweynaha Somaliland inta uu ku sugan yahay Burco uu ka shaqeynayo xal u helida shaqaaqo beeleed ee ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Togdheer.
Hasayeeshee, Socdaalka madaxweyne Biixi ee ku wajahan magaalada Oog ee gobolka Sool oo ku dhow saldhiga Goojacadde, ayaa kusoo beegmaya xilli ay Somaliland maalinta berri ah xuseyso gooni isu-taageeda ee maalinta 18-ka May.
Hoos ka daawo Sawirada.