HARGEYSA (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu munaasibada Ciidul Fidrida awgeed wareegto Madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xiran.
Qoraal uu soo saaray madaxweyne Biixi ayaa lagu yiri “laga bilaabo maanta in aan Cafis u fidiyay maxaabiista ku xukuman dambiyada fud fud munaasibada ciidul fidrida awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 548 maxbuus”
Sidoo kale, Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen.
Xeerka Madaxtooyada
Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markaan Tix-galiyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/125/2024, kuna taariikhaysan 03/04/2024.
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/159/2024, kuna taariikhaysan 02/04/2024.
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso.
Dhanka kale, Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliland, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista kuxiran xabsiyada magaalada Hargeysa.
Sanadka maanta oo kale, waxaa cafis loo fidiyaaa maxaabiista ku xukuman dambiyada fud fud kuwaas oo ku kala xiran xasbiyada kala duwan ee dalka.