SO | EN

SO | EN

Muuse Biixi oo ka falceliyay go’aanka Xamar, arrinta Jabuuti iyo wada hadalka Shabaab

|

HARGEYSA (KAAB TV) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhalleeceeyay go’aankii ay Dowladda Soomaaliya Khamiistii ku sheegtay inay ku tilmaantay gooni-goosadka mid khatar ku ah amniga qaranka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in haddii ay Soomaaliya damacdo inay la dagaalanto Somaliland, wuxuu sheegay in garoonku uu furan yahay “soo soco ayaanu leenahay, hadday wax kugu hareen oo dagaal ah”, ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Sidoo kale, Biixi ayaa xaqiijiyay in Muqdisho ay wadahadal kula jirto Al-shabaab, waxaana uu ku andacooday in madaxweynaha Soomaaliya uu sidaasi darteed uga war-wareegayo ka hadalka argagixisada, mowqifkiisa ku aadan kooxaha argagaxisada uu sidaasi isu beddelay.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi waxa uu Jabuuti ku dhaliilay inay marti-gelisay koox ka mid ah mucaaradka Somaliland oo u ololaynaya in gobolka Awdal ka go’o Somaliland.

Waxa uu ku baaqay in loo midoobo reer Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News