SO | EN

SO | EN

Muuse Xaaji”Meydka Wiilkeyga marabo in magaalada Muqdisho Janaasada lagula Tukado”

|

Hargeysa (KAAB TV) – Aabihii dhalay Cabdinaasir Muuse Xaaji (Dahabale) oo kamid ahaa shaqaalaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliy, kaas oo dhowaan meydkiisa laga helay guri uu kadaganaa magaalada Muqdisho ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in lookeeno meydka Wiilkiisa.

Sidoo kale, Aabahan ayaa waxa uu madaxda ugu sareysa ka codsaday in lookeeno meydka Wiilkiisa si uu ugu aasto magaalada uu kasoo jeedo.

Dhanka kale, waxa uu dowladda ka dalbaday in meydka Wiilkiisa aan lasiyaasadeynin , isagoona sheegay in uu san marnaba raali ka aheyn in magaalada Muqdisho lagu aaso meydka wiilkiisa, sidoo kalana uu san rabin in uu tago magaalada Muqdisho xitaa uu san rabin in Janaasada laguka tukado Muqdisho.

Dowladda ayaa waxa ay sheegtay in wali ay wadaan baaritaano ku aadan meydka Cabdinaasir Muuse Xaaji (Dahable) oo la tuhunsanyahay in lagu dilay shirqool, iyadoo ciidanka boliiska kiiskan aya usoo xireen 6 qofood uu kusugnaa guriga uu falka kadhacay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News