SO | EN

SO | EN

Muxiyadiin Saabey oo ka hadlay amarkii dowladda kubixisay in lasoo xiro

|

Muqdisho (Kaab TV) – Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus Muxiyadiin Saabey ayaa markii u horeysay ka hadlay arrimaha la xiriira eedeymaha musuq-maasuq ee loo haysto iyo amarka soo qabasho ee dowladda fartay.

Saabey oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horreyntii iska fogeeyay inuu baxsad ka yahay dowladda federaalka, xilli xogo hoose ey sheegayaan inuu ka baxay caasimadda oo uu gaaray deegaanka Guulane ee Shabeellaha Hoose ee uu kasoo jeedo.

Sidoo kale waxa uu beeniyay inuu ku lug leeyahay eedeymaha loo haysto ee musuq-maasuq, isaga oo sheegay in dhowr jeer baaris xafiiskiisa lagu sameeyay.

“Wax gaar ah oo shaqsi ah oo aniga la igu haysto ima soo gaarin. Aniga lacag ma qabto oo khasnaji ma ihi, lacagna ma qaado oo Bank ma ihi. Waxaa ku shubna akoonada Bank-ga dhexe ee dowladda ugu tala-gashay, kamana bixin karno,” ayuu yiri Muxiyadiin Saabey oo la hadlay Warbaahinta.

“Cadaaladda hadii ay noqoto tii la yaqaanay oo la isku haleyn karay, laakiin cadaaladda iyada oo aan la iiga wicin maxkamadda oo aan diidin oo la ii iman waaran la ii soo jaro, taasi cadaaladda ma noqon kartaa,” ayuu yiri Muxiyadiin Saabey.

“Xalkeygu waa iska cad yahay, aniga muwaadin ayaa ahay, dembi ma gelin ee ciddii dembi igu haysa si rasmi ah aan iskugu imaano maxkamadaha.”

Hasayeeshee, Qorshaha lagu xirayo Saabey ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay mas’uuliyiin sare oo dowladda ay dooneyso in la xiro.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News