SO | EN

SO | EN

Muxuu ahaa qorshaha ay Al-Shabaab damacsaneed ee laga hortagay? +Khasaaraha

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Faafaahino kala duwan ayaa kasoo baxay howlgal shalay gelinkii dambe kadhacay qeybo kamid ah gobolka SHabeellaha Hoose, howlgalka ayaana waxaa lagu soo waramayaa in uu kadhashay khasaare kala duwan.

Warar kala duwan oo kasoo baxaya dhinaca dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday kooxo katirsan Al-Shabaab oo isku uruursanaayay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, dowladda ma aysan sheegin halka uu sida bartilmaameedka ah ee uu kadhacay howlgalka, marka laga soo tego halka uu sida saxda ah uu ugu dhacay oo ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale, dowladda ayaa waxa ay intaasi kudartay in howlgalka lagu dilay saddex dagaalame oo katirsan Al-Shabaab waxaana goobta lagu burburiyay dhagartii ay maleegayeen.

Majiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi oo ay dowladdu sheegtay in ay guul kagaartay howlgalkaasi kadhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News