Garoowe (Kaab TV)– Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa ka falceliyay tallaabadii ay Khamiistii qaadeen xubnaha golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay in wax ka beddal lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi xilli la’isku diyaarinayo doorashada guud.
Golaha ayaa isku raacay in xisbiyada siyaasadda Puntland laga dhigo shan xisbi halka ay markii hore ahayd saddex xisbi, ayada oo loo sii gudbiyay Baarlamanka si uu u ansixiyo Cabdiweli Gaas oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay inay dhib weyn u keeneyso xasiloonida siyaasadeed ee Puntland oo ah hooyada federaalka Soomaaliya.
Aniga waxaan u arkaa arrintaas inay tahay arrin dhib u keeneyso xasiloonida siyaasadeed ee Puntland Waxaan kale noo u arkaa amniga iyo midnimada Puntland-na dhaawici karta ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas sidoo kale Cabdiweli Gaas ayaa weerar ku qaaday madaxweyne Saciid Deni waxaana uu tilmaamay in damaciisa shaqsiga uu yahay mid xad dhaaf ah sida uu hadalka u dhigay.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay haatan sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.