Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Teyyip Erdogan, Amiirka dalka Qatar Xamad Binu Tamiim iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Madaxda hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo, iyagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo sannado barwaaqo ah, waxayna muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliya.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Turkiga, Qatar iyo Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay ugu hambalyeeyeen Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Carafa, waxa uuna tilmaamay dadaalka ay dowladdu gelinayso kobcinta xiriirka ay la leedahay dalalka walaalaha ah ee soo garab istaagay xilliyada adkaa.
Wadahadalkan ayaa kusoo beegmaya, ayadoo maalintii labaad loo dabaal-dagayo, munaasabadda Ciida Carafo oo ah maalmo ku weyn quluubta ummadaha Muslimiinta.
Hasayeeshee, dowladaha Turkiga, Jabuuti iyo Qatar ayaa kamid ah waddamada xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, sidoo kalena qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.