Xasan Sheekh oo xarrig ka jaraya Xarunta Baarlamaanka Galmudug

|

Dhuusamareeb (KAAB TV) –Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb xarunta Gobolka Galgaduud ayaa maanta xarrig jaraya Xarunta Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug oo si casri ah loo dhisay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kale xarrig jar iyo dhagax ku sameynaya mashaariic kale oo Dowlad-Goboleedka Galmudug laga hirgeliyay & kuwa kale oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhowaan sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa uu ka faa’iideystay mashaariicda loogu talagalay in laga hirgeliyo sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedka Galmudug isaga oo kala hadlay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si loo dardargeliyo howlgalladaas loogana qabsan lahaa deegaannada ay weli ka joogaan Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News