SO | EN

SO | EN

MW Kenya oo QM la wadaagaya sida looga baahan yahay Nabadda Dalal ay kamid tahay Soomaaliya

|

New York (KAAB TV) –Madaxweynaha Kenya William Ruto oo u safray Dalka Maraykanka si uu uga qaybgalo meertada 80aad ee Qaramada Midoobay ayaa madasha la tagi doonna saamaynta taban ee dalkiisa ku leedahay xasilooni darrada Dalal ay Soomaaliya kamid tahay.

Ka sokoow qodobada looga hadlayo Shirkaan, waxaa jira qodobo kale oo inta uu kulankaan socdo looga hadli doonno, Madaxweynaha Kenya William Ruto waxa miiska soo dhigi doonnaa doodda la xiriirta nabadgalyada Dalalka Soomaaliya, Suudaan, Koofurta Suudaan, Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo & Haiti.

William Ruto ayaa u muuqda in Dowladdiisa ay doonayso raadinta taageero lagu caawinayo Ciidamada ka socda ee jooga Dalalka Soomaaliya iyo Haiti, haddii loo baahdana uu waddamada kale ciidan u diri karo isaga oo qiil ka dhiganaya walaaca uu ka muujinayo heerka nabadgalyadoodu gaarsiisan tahay.

Afhayeenka Madaxtooyada Kenya Xuseen Maxamed ayaa ka hadlay safarka Madaxweyne William Ruto uu Sabtidii ugu ambabaxay Magaalada New York ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay la falgalka qodobada ugu muhiimsan Fadhiga Qaramada Midoobay ee 80aad.

“Madaxweynaha Kenya waxa uu diiradda saari doonnaa nabadda guud ahaan Caalamka iyo caqabadaha hortaagan amniga sida Dalalka Suudaan, Koofurta Suudaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo, Soomaaliya & Haiti” Ayuu yiri Xuseen Maxamed, Afhayeenka Madaxtooyada Kenya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News