SO | EN

SO | EN

MW Laftagareen iyo James Swan oo ka wada hadlay taageerada dagaalka ka dhanka ah AS

|

BAYDHABO (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qasriga madaxtootayada ku qaabilay Wakiilka Qarammada Midoobay ee u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen iyo James Swan ayaa Kulankooda kaga wada hadlay xaalada Guud ee Dalka, Dhinacyada Amniga, Siyaasada iyo Mashaariicda kala duwan ee Qaramada Midoobay kala Shaqayso Dowladda Koonfur Galbeed iyo Arimaha Bini’addanimada

Sidoo kale,  James Swan ayaa Bogaadiyey Ciidamada Qalabka sida Dagaallada iyo hawlgallada ka dhan ka ah Al-shabaab; isaga oo tilmaamay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Dowladda Koonfur Galbeed Garab ku siinayo Howlgalada AS.

Kulankaan James Swan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa imaanay xilli uu madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdigiisa ay wadaan kulamda ay la yeelanaayaan maamul goboleedyada, isaga oo shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Galmudug.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News