Baydhabo (KAAB TV) –Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kormeeray Terminaalka cusub ee Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Laftagareen waxaa la socday mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxa ay si wadajir ah ula kulmeen Injineerrada shaqada gacanta ku haya iyo guddiga sida gaar ah uga shaqeynaya dhismahaan cusub.
Warbixin ayuu ka dhageystay guddiga dhisaya terminaalka, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku bogaadiyay in la kordhiyo howshaan oo sare u qaadeysa bilicda iyo adeegga Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud.
Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay ballaarinta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee loogu magac daray Shaati Gaduud maadaama si joogta ah ay u caga dhigtaan diyaaradaha taga Xarunta Gobolka Baay.