SO | EN

SO | EN

MW Xasan: 6,000 illaa 8,000 ayaa ku biirtay Al-Shabaab tan iyo Jannaayo 2024

|

Muqdisho (KAAB TV)- Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay korortay bishan keliya dadka doonaya in ay ku biiraan kooxda Al- Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Soomaaliya.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sabab uga dhigay kororka dadka ku biiraya kooxda Al- Shabaab   fara galinta Itoobiya ku haysa arrimaha Soomaaliya.

Waxa uu soo hadal qaaday Madaxwaynaha in inta badan dadka Al- Shabaab ay qorteen  tan iyo markii heshiiska muranka dhaliyay Abiy Ahmed uu la saxiixday Soomaaliland.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo wareysi siiyay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in qiyaasaha dowladdiisa ay muujinayso in Al-shabaab ay qorteen inta u dhexeysa 6,000 ilaa 8,000 oo dagaalyahanno cusub ah bishii Jannaayo oo keliya.

Mar wax laga waydiyay inuu ka fakarayo in dalka uu ka saaro Ciidanka Itoobiya ATMIS ayuu sheegay in hadda qorshihiisa ku jirin

Waxa uu intaas warkiisa ku daray in uusan ka fikireynin inuu eryo ku dhawaad 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya soo galay dabayaaqadii 2006 si ay uga saaraan dhaq-dhaqaaq Islaami ah oo al-Shabaab ay asal ahaan kasoo jeedaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News