Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

MW Xasan Sheekh ma wuxuu qaaday jidkii kala dirka dowladnimada ?

|

Doha (KAAB) –Dastuur waa heshiis bulsho ay kuwada noolaato, mana jirto cid kaligeed ah oo si iskeed ah wax uga baddali karta.

Dunida oo dhan laba jid uun baa dastuur lagu baddalaa. Tan koowaad waa in heshiis buuxa lagu yahay oo cid walba la qanciyey.

Tan labaad waa marka awood ciidan talada lagula wareego oo dadweynaha la khasbo. Tallaabadan khasabka ku timid qudheedu ma noqoto mid waarta oo waayo badan sii jiri karta.

Baddalka dastuur aan heshiis lagu ahayn iyo waxa laga dheefo aan ka soo qaato tobankii sano ee u danbeeyey inta dal ee u burburtay natiijo ka dhalatay dastuur aan heshiis lagu ahayn.

YEMEN

Dalka Yemen markii uu guulaystay kacdoonkii Carabta ee ay dhallinyaradu hoggaaminayeen, xukunkii dalkana uu ka dagay Cali Cabdalle Saalax oo uu taladii dalka la wareegay Cabdu Rabbo Mansuur wuxuu daah furay qorshe qaran oo ah diyaarinta dastuur ka duwan kii hore.

Xoogag kala duwan oo saamayn weyn lahaa ayaa ka hor yimid. Buuqii iyo qalalaasihii bartaas ka bilowday wuxuu ku dhammaaday in Xuuthiyiintu ay caasimaddii Sanca la wareegaan, sidaasna ay ku dunto dowladii dhexe.

SUUDAAN

Dalka Suudaan kolkii Cumar Albashiir laga tuuray xukunka oo xoogag isku huwan ahi ay la wareegeen hoggaankii, waxay ku dhawaaqeen dastuur cusub, kii horana wey laaleen. Murankii iyo ismaandhaafkii ka dhashay wuxuu gaarsiiyey Suudaan halka ay maanta marayso.

Caasimaddii Khartuum burburkii ugu xumaa abidkeed baa ku habsaday. Suudaantii hormuudka u ahayd Afrika waxa halaagaas baday dood ka dhalatay dastuur aan cidina heshiis ku ahayn.

LIIBIYA

Dalka Liibaya dib u eeg. Kacdoon shacab iyo mid hubaysan ayaa xukunka looga tuuray Mucamar Alqadaafi. Muddo sanado ah ayaa lagu wada joogay shuruuc kumeel gaar ahaa oo heshiis lagu wada ahaa. Iyadoo sidaas xaal ahaa xukuumaddii caasimadda ka talinaysay waxay abuurtay qorshe ah dastuur cusub, waxaaana ka dhashay colaado iyo hadimooyin culculus oo soo jiitay hardan juquraafi-siyaasadeed.

Liibiya, waxaa ceelka ololka badan gunta u dhigay dood ka dhalatay dastuur lagu muransanyahay taasoo baylah iyo burbur ka yeeshay dalkii saameynta ballaaran ku dhex lahaa jiray Carab iyo Afrikaan.

KENYA

Dalka Kenya dood iyo muran ka dhashay damac wax ka baddal dastuur ayaa sigay jawiga dalka, waxaase badbaadisay laantii garsoorka oo xukuntay in sharci daro ay tahay qorshaha wax ka baddalka dastuurka, waxayna sabab uga dhigeen in Madaxweynaha dalka uu qayb ka noqday ololaha wax ka badadlka dastuurka.

GUNAANAD

In Maamulka haatan jira ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka leexdo hannaankii u dagsanaa dhammeystirka dastuurka, lana bilaabo ansixinta dastuur cusub waa aqoon darro, waa damac waalan oo dalka haadaan ku ridi kara.

Madaxweynaha, isagoo og in qorshahan dastuurka aysan cidna ku raacsaneyn, xitaa saaxibadiisa gaarka ah, labada maamul ee Somaliland iyo Puntland oo maqan, ayna diidanyihiin madaxdii hore ee qaranka waa qar iska tuurnimo wayn.

Hadduu Madaxweynuhu kusii adkeysanayo go’aankiisan gurracan, waxaa muuqata in dalkaan uu gacantiisa sababsan doono ( Alle kama dhigee).

Mustaqbalka dalka laba waji baa nagu soo wajahan; in qalalaasaha ka dhasha dastuurkan uu kaligiis garabka ku sito Madaxweynaha uu sabab u noqdo kala irdhoow iyo kala daadasho qaranka oo idil saameeya, dib u xallintiisana ay u baahato shirweyne dib u heshiisiin cusub.

Taas mid kaloo kasii halis badan baa jirta, waana in qalalaasaha ka dhashaa fitnadan dastuurka cusub uu sii fogeeyo xaaladda dalka oo keeni karta in kooxaha argagixisada ahi ku daydaan Taalibaan, oo ayba ku fekeraan iney dalka la wareegaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma waxaa qorshaha ugu jira inuu raaco jidkii uu maray Madaxeynihii Afgaanistaan Ashraf Gaani!

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha, muddo xileedkiisii hore wuxuu lahaa saaxiibo gacanta ka qabta oo marmar talada kula dhaga, laakiin muddo xileedkiisan dalka iyo dadkuba waa nasiib ku nool. Haddaba su’aashu waxay tahay Xasan Sheekh ma wuxuu qaaday jidkii kala dirka dowladnimada?

W.Q Fahad Yasiin
Taliyihii hore Hay’adda NISA.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News