Shabeelaha Hoose(KAAB TV) -Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta salaadda Ciidda ku dukatay Deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxa uu halkaas kula kulmay saraakiisha ciidamada halkaas ku sugan.
Madaxweyne Xasan waxaa wehliyay Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, waxaana uu ciidamada ku booriyay in ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah ‘AL-shabaab’
Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hambalyo ku saabsan Ciiddul-fitriga u diray Saraakiisha, Ciidamada iyo ehelkooda isaga oo ku tilmaamay ‘Geesiyaal’ naftooda iyo waqtigooda u huray Dalkooda Hooyo sida uu hadalka u dhigay.
Deegaanka Gandarshe waxa uu kamid yahay Deegaannada xeebta ah ee isku xira Muqdisho iyo Marka, waxaa kol hore ciidamadu ay ku qabteen howlgalka Aamusan oo ka socda dhulkaas xeebta ah ee muhiimka u ah isu socodka labadaan Magaalo.

