SO | EN

SO | EN

MW Xasan Sheekh oo dhaxmaraya Xamse si wax loogu bedelo Dastuurka.

|

Muqdisho (KAAB) Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa si xoog leh ugu jira ol’ole lagu meel-marinayo habraaca loo marayo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah Soomaaliya.

Xilligan waxa guriga Ra’iisul Wasaaraha ka socda kulamo u dhexeeya isaga iyo Gudoonka Baarlamaanka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Xamse Cabdi Barre ay ka go’an tahay meelmarinta damaca Madaxweynaha ee  wax ka bedelka Dastuurka xilli si weyn la’isugu khilaafsan yahay.

Iluhu waxa ay qabaan in Xamse ay tallaabadan ku riixeyso carada uu u qabo Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo 8dii Janaayo dib loo doortay.

Wax ka bedelka Dastuurka waxaa ku jira qodobo xasaasi ah sida; in dalku ka guuro nidaamka baarlamaanka oo uu yeesho mid Madaxtooyo iyo in xisbiyada lagu koobo laba kaliya.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wada  dadaalo uu ku doonayo in laga guuro nidaamka Barlamaaniga ah isla markaana wax  ka bedel lagu sameeyo Dastuurka KMG ah ee dalka.

Talaabooyinkan uu qaaday , Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka digay  cawaaqib xumada ka dhalan karta madax hore  kuwaas oo sheegay in aan la   joogin waqtigii la qaadi lahaa talabadaas.

Hadda waxaa  muuqanaya sida falanqayayaashu ay sheegayaan in Madaxwaynaha Soomaaliya uu dhaxmarayo , Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo magacaabistiisa kala gaysay Saciid Deni iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News