Muqdisho (KAAB ) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh ayaa guda galay dhammaystirka Dastuurka dalka, iyada oo uu Guddiga Dastuurka la wadaagey in ay Baarlamanka horgeeyaan 14-ka bishan wax-ka-beddelka qodobadii ay hore isugu raaceen Madasha Qaranka.
Waxa ku jira qodobada wax ka bedelka mid taabanaya in xilka Raysal wasaaraha meesha laga saaro, lana sameeyo Madaxweyne ku-xigeen iyo Laba Xisbi Qaran.
Hindisahas Xasan Sheekh waxaa hore u diidday Puntland oo intii muddo ahaydba ka maqnayd madalaha masiirka dalka oo ay ku sugnayeen maamulada kale ee dalka.
In waxa laga bedelo Dastuurka Soomaaliya oo hadda ah mid qaybyo ah ayaa keentay in madax hore in ay ka qayliyaan isla markaana ku tilmaamay arinaas mid wiiqi karta hanaanka dowladnimada dalka.
Tani ayaa muujineysa in Madaxda DFS ay ka baaqatay gogoshadii Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni sheegey in uu dhigay magaalada Garoowe oo la filayey in ay isu keento saamileyda siyaasadeed ee Soomaalida oo idil.
Shirkan ayaa u jeedkiisu ahaa in laga dhameeyo wax kasta oo tabasha ah oo taagan isla markaana laga wada qaato go’aan midaysan wax ka bedelka Dastuurka oo ah mid wax ka bedelaya hanaanka dowladnimada Soomaaliya.
Madaxwaynaha hadda xafiiska jooga ayaa aad ugu ololaynaya in isbedel lagu sameeyo Dastuurka KMG ah iyo in dalka uu yeesho laba xisbi keliya taas oo durba keentay kala shaki
Dhawaan Barlamaanka Soomaaliya ayaa cod gacan taaga ah ugu codeeyay qorshe ku saabsan wax ka bedelka hanaanka loo marayo Dastuurka KMG ah taas oo lagu tilmaamay mid aan sax ahayn .