SO | EN

SO | EN

Nabadoon Abaabul “Ra’iisulwasaaraha wax buu kala socdaa lacagta la saaray shacabka dhoofaya.

|

MUQDISHO  (KAAB TV) – Nabadoon C/qaadir Abaabul oo ka mida wax waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ku canaantay madaxweyne Xasan inuu ka aamusay lacagta dheeraadka ah ee  la dul dhigay shacabka ka dhoofanaya garoonka diyaaradaha caalamaiga ah ee Muqdisho.

Ra’iisulwaaaaraha ayuu isna ku eedeeyay inuu wax ka ogyahay ,raalina ka yahay lacagta ay wasiirada Gaadiidka iyo duulista dul dhigtay garoonka diyaaradaha gaar ahaan tikidhada.

“Madaxweyne Xasanow waxaa ka ogtahay sheeg lacagta 9-ka doollar ee lagu rogay Shacabka Soomaaliyeed,hadaad wax ka ogeyna wax ka qabo oo ka jooji”ayuu yiri Nabadoon Abaabul.

Mar uu ka hadlaayay booqashadii 6-dii bishaan uu Xamze Cabdi Barre ku tagay garoonka diyaaradaha ayuu sheegay inuusan arintaas darteed cidna xil uga qaadin.

“Ra’iisulwasaaraha wax buu kala socdaa lacagta la saaray shacabka dhoofaya waana tuhunsanahay maxaa yeelay lacagtaasi maaha mid ay  wasiirada ku dhiiran karto , waa arin madaxdu  wax ka ogtahay “ayuu yiri Nabadoon Abaabul.

Nabadoonka wuxuu tilmaamay inaysan macquul ahayn in shacab iyagaba baahan duruuf alshabaab  darteedna diyaarado u raacaya in iyagii lacag kale la dul dhigo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News