SO | EN

SO | EN

Nabadoon Gaabow Buule Xasan oo xalay kooxo hubeysan kudileen magaalada Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil xalay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir loogu geystay Nabadoon Gaabow Buule Xasan, sidoo kale ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale, nabadoonka oo caan ka ahaa gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu dilay xaafada Siliga Ameerikaanka, waxaana goobta uu dilka kadhacay isaga baxsaday ragggii dilka u geestay oo la tuhmayo in ay katirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, nabadoonka la dilay ayaa kamid ahaa dadka sida weyn uga soo horjeeday fikirka Al-Shabaab ee dagaalka ku dhisan, waxa uuna nabadoonka kamid ahaa dadkii hormuudka u ahaa in kooxda Al-Shabaab laga saaro deegaanka beeshiisa ku badan tahay ee Awdheegle.

Wararka qaar ayaa sheegaya in nabadoonka uu ahaa saxiixaha xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku matela beeshiisa, waxa uuna kamid ahaa dhaqanka ka sokow masuul katirsan maamulka Awdheegle.

Ugudambeyn,  kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ubadan ku disho odayaal iyo dad kale oo kasoo horjeeda fikirkooda sidoo kale dagaal la galay, Al-Shabaab ayaana habeen kahor  waqooyiga Muqdisho nin kale oo nabadoon ahaa kudishay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News