MUQDISHO (Kaab TV) – Caawa, 18 oday dhaqameed ayaa lagu xiray magaalada Muqdisho xilli ay kulan ku lahaayeen hotel ku yaalla magaalada. Xariggan ayaa yimid iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay weli kacsan tahay, waxaana arrintani dhalisay walaac ballaaran oo ka dhex jira bulshada iyo siyaasiyiinta.
Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in odayaashan ay yihiin odayaasha beeshiisa isla markaana lagu bartilmaameedsaday oo keliya taageeridda mucaaradka.
Wuxuu xariggan ku tilmaamay mid aan sharci ahayn oo caburiyey xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ugu baaqay in mudaharaadka berri uu sidii qorshuhu ahaa u qabsoomo, isaga oo cambaareeyay tallaabada dowladda lagu xiray odayaasha. Arrintani waxay muujineysaa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxaysa dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya.

