Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Nairobi: Sidee loo afduubay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya?

|

NAIROBI, Kenya (Kaab TV) – Waxaa xalay fiidkii magaalada Nairobi muddo kooban lagu afduubtay labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ku sugnaa hotel ku yaalla Nairobi.

Sida ay xaqiijiyeen mudanayaal la socday labada xildhibaan oo kala ah xildhibaan Xasan Cabdinuur iyo xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo uu wehliyo xildhibaan saddexaad oo lagu magacaabo Cali Mahdi Qalato ayaa waxaa lagu horgeeyay baabuur nooca yar yar ah oo ay wateen rag ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya.

“Saddexda xildhibaan labo ayaa hore socotay midna wuu yara danbeeyay markay hotelka kasoo bexeen. Waxaa markiiba hortooda kasoo muuqday baabuur yar oo ay saarnaayeen rag ka tirsan ciidamada amaanka waxayna kexeysteen labada xildhibaan ee kala ah Xasan Cabdinuur (oo reer Koonfur Galbeed ah) iyo Axmed Cabdi Kooshin (oo reer Somaliland ah),” ayuu yiri xildhibaan ku sugan Nairobi oo xilliga falku dhacay joogay goobta hotelka.

Xildhibaanka saddexaad Cali Mahdi Qalato (oo reer Puntland ah) ayaa la sheegayaa inuu ka fakaday falka, halka labada kale lagu qaatay baabuurka.

Waxaa xusid mudan in Xasan Cabdinuur uu ahaa musharraxii Sheekh Aadan Madoobe kula tartamay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Ilo wareedyo ku sugan Nairibo ayaa Kaab TV u sheegay in beryahan uu socday mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre kaasoo shirar ku saabsan ay ka socdaan Nairobi.

Xildhibaanada ayaa muddo saacad ah lagu dhex haayay baabuurka ka dibna waa lasoo fasaxay markii la ogaaday in arrinta ay warbaahinta gashay oo dad badan ay ogaadeen.

Xildhibaannada dhacdada ku dhacday ayaa la filayaa in maanta oo Khamiis ah ka hadlaan dhacdadan.

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa horey loogu qafaashay siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdirashiid Janan oo sida la sheegay ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah maamulka Jubbaland.

Ma jirto wax war ah oo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Raisul Wasaare Xamse oo falkan lagu tuhmaayo, kasoo baxay.

Sidoo kale dowladda Kenya kama hadlin dhacdadan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News