SO | EN

SO | EN

Netanyahu oo walaac ka muujiyay hadalka Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska ee aqoonsiga Falastiin

|

Lodon (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku aqoonsan doono dawladda Falastiiniyiinta bisha September, haddii aysan Israa’iil qaadin tallaabooyin dheeraad ah oo lagu soo afjarayo xaaladda naxdinta leh ee Qasa, oo ay ku jirto inay ogolaato xabbad joojin.

Sidoo kale, Hadalkan kasoo yeeray dowladda Ingiriiska, ayaana niyadjab iyo wal wal badan ku abuuray maamulka Israa’iil, waxa ayna cabsi badan ka qabaan in dowladda Ingiriiska iyo dowlado kale waa weyn si deg deg ah u aqoonsadaan dowladda Falastiin.

Dhanka kale, Ra’isul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in qorshaha Ingiriiska ay ku aqoonsanaayo dowladnimada Falastiin, haddii aysan Israa’iil gaarin xabbad-joojin ka hor bisha Sebtembar ay arrintaasi abaal-marin u noqon doonto kooxda Xamaas, sida uu tilmaamay.

Waxa uu sidoo kale, sheegay Netanyahu hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska in uu muujinayo is beddel weyn oo ku yimid siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, waxa uuna hadalka Keir Starmer ku tilmaamay mid lagu qancinayo mujaahidiinta ,sida uu hadalka u dhigay.

Sikastaba, Israa’iil ayaa xasuuq ba’an wali ka geysaneysa magaalada Qaza, halka dadka ka badbaaday gantaalaha iyo rasaasta Israa’iil u dhimanayaan gaajo iyo harraad, taas oo dalal badan oo horey Israa’iil u taageersanaa si weyn uga horyimaadeen, kuna cadaadinayaan Israa’iil in ay nabadda qaadato.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News