GAROWE (Kaab TV) – Xeebaha fog ee bariga Puntland ayaa dadka deegaanka ku warrameen in laga helay nibiri kasoo caariyay badda.
Dad ku sugan xeebta degmada Bareeda ee gobolka Bari ayaa sheegay in dhowr xayawaan badeed ah lagu arkay xeebta maalinkii shalay oo Isniin ah, kuwaas oo ka soo caariyay dhinaca badda.
Xalay ayaa markale xeebta lagu arkay nibiri labaad oo soo caariyay.
Lama oga sababta keentay arrintan, mana jiro war rasmi ah oo ay kasoo saareen maamulka Puntland iyo kan deegaanka ee ku saabsan nibirigan soo caariyay.
Soomaaliya waxa ay si weyn u saameeyeen isbeddelka cimillada iyo wasakhowga xeebaha, kuwaas oo waxyeelo ba’an u geystay xayawaanka ku nool badda.
Hore ayaa dhowr jeer loogu soo warramay haamo sun ah oo laga helay xeebaha gobollada dhexe, kuwa koonfureed, iyo waqooyi-bari ee Soomaaliya.
Haamahaas lama samayn baaritaan madax bannaan, hase yeeshee waxaa lagu qiyaasay inay yihiin haraaga wasakhda warshadaha oo si qarsoodi ah loogu aasay halkaas.
Xeebaha Bareeda, kalluumeysatada deegaanka ayaa tilmaamay in saameynta isbeddelka cimillada iyo wasakhowga deegaanka ay keeneen in kalluunka ay badda ka heli jireen uu aad u yaraado.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland wali kama aysan hadlin waxyaabaha haraaga wasakheysan ee hore loogu arkay xeebaha dalka.