MUQDISHO (KAAB TV) – Xog dheeraad ah ku saabsan dhacdadii lagu laayay saraakiil Imaraad ah ayaa soo baxaysa waxaana askariga uu ahaa kuwa ilaaliya amniga xerada Gordon ee Muqdisho.
Askariga weerarka fuliyay ayaa lagu Magacaaba Xasan Maxamed, kaas oo dilay saraakiil sar sare oo imaaraad ah kuwaas oo tababaro siinayay ciidanka Dowladda Soomaaliya .
2021-kii ayaa la sheegay inuu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, ka dibna uu ku biiray , ciidanka cusub oo uu tababarayo Imaaraadka Carabta .
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askarigan oo ka yimid degmada Xudur ee gobolka Bakool inuu damaanadiisa ku qoran yahay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxame Nuur (Jaamac).
Askarigan ayaa la sheegay in toogasho uu ku dilay saraakiil , muhiim ah oo ka tirsnaa imaaraadka carabta , taas oo keentay in madaxwaynaha Soomaaliya uu soo fara galiyo arintan.
Lama oga sida ay arrintaan ku suuragashay, maadaama la laayay saraakiil muhiim ah oo isugu jiray Soomaali iyo Imaaraad ,waxaana socda baaritaan arintan ku saabsan.