SO | EN

SO | EN

Nin & laba haweenay oo loo haysto Al- Shabaab oo gacanta lagu dhigay

|

Muqdisho (KAAB ) Saraakiisha  ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen xubin  tirsan oo ka tirsan Al- Shabaab oo falal amni ka gaysanayay  magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa sheegay  ninkan oo   ka tirsanaa kooxda Al Shabaab uu  bambaano ku tuuray fariisin ciidanka kaga sugnaayeen xaafada jaamacadaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa markii gacanta kusoo dhigeen ninkan wareysi ay ka qaadeen ku helay xogta labo haween ah oo ninkan weerarka kala shaqeeyay.

Saraakiisha waxa ay hadalkooda sii raaciyeen iney wadaan baaritaano dheeraad ah, saddexdan danbiilayaasha ahna la horgeyn doono sharciga, si talaabo looga qaado. Si kastaba, amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xaafadaha magaalada lagu daadiyay ciidamo dharcad ah oo NISA ak tirsan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka socday howlgallo amni xaqiijin ah, waxaana ugu dambeeyay oo ay ciidamo fashiliyeen weerar toos ahaa oo ay Al-Shabaab ay damacsaneyd inay ku qaado Beerta Nabadda.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News