GARAWE (KAAB TV) -Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta dheygastay dacwadda rag ku eedeysan Daacish iyo Shabaab. Eedeysanayaasha oo maxkamadda la hor keenayay ayaa gaarayay 10 eedeysane oo ay 2 kamid ah ajaaniib tahay.
Eedeysane kamid ah kuwa maxkamadda lasoo taagay oo sheegay inuu kasoo goostay ururka Alshabaab, ayaa maxkamadda ka hor sheegay, in loo waday in Mucaskar lagu tababaro xubnaha cusub ee Shabaab uu ka sameeyo magaalada Buuhoodle iyo degaanada ku xeeran ee gobolka Cayn.
Ninkaan ayaa waxa uu sheegay, in dad badan oo uu garanayo oo ku nool degmada Buuhoodle ay ka tirsan yihiin Alshabaab, kuwaas oo uu sheegay inay tababaro kusoo qaateen magaalada jilib.
“In badan oo kamid ah dadka nool Buuhoodle waa Shabaab. In badan oo tababar u socday ayaa la qabtay. Aniga waxaa la ii tababaray inaan mucaskaraad ka sameeyo Buuhoodle iyo nawaaxigeeda. Waxyaabaha aan u diiday inaan Shabaaab kasii mid ahaado waa taas,” ayuu yiri ninkan oo aan magaciisa si gaar ah loo sheegin, balse kamid ahaa 10 eedaysane oo Boosaaso maxkamadda ciidamada Puntland lagusoo taagay.
Waxa uu sheegay in markii hore laga tashkiiliyay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kaddibna uu go’aansaday inuu aado magaalada Jilib oo xarun u ah ururka Alshabab.
Eedeysanaha ayaa sheegay inuu markii hore isku dhiibay ciidamada Liyuu Booliiska, balse ay u sheegeen in aanay caawin karin. Waxa uu sheegay inay Liyuu Booliisku kula taliyeen inuu aado Puntland. Waxa uu sheegay in uusan lahayn wax dambi ah oo uu galay. Waxa uu sheegay markuu ku qanci waayay afkaarta Shabaab inuu kasoo goostayo, isagoo sheegay inay ugu hanjabeen inay dilayaan.
Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda ciidamada Puntland, ayaa lagu wadaa inay soo saarto xukunka eedeysanayaasha maxkamadda la horkeeno.
Waa kuwan magacyada eedeysanayaasha.
1-Nuur Maxamed Macalin oo 30 jir ah.
2 Mutahar Xaamud Qaayib 24 jir Ajnabi ah.
3 Salaad Caseyr Muuse 62 jir.
4- Mushiir Maxamed Siciid 38 jir Ajnabi.
5 Ibraahin Yuuya Alii 35 Jir.
6 Cabdilaahi Cali Ayuu 25 Jiri.
7 Cabdilaahi Axmed Yuusuf 25 Jir.
8- Maxamed Macalin Aadan 25 Jir.
9-Xasan Yuusuf Macalin Isaaq 27jir
10-Amxmed Maxamed Cabdi 40 jir.