Muqdisho (KAAB TV) – Kooxo hubeysan oo burcad lagu sheegay ayaa xalay deegaanka Warlaliska ee degmada Deyniile waxa ay ku dileen nin shacab ah, waxaana ninka la dilay la sheegay in laga dhacayay moobeel uu watay, isagoona ka biyo diiday in moobeelka si fudud looga qaato.
Sidoo kale, burcada ayaana la sheegay in ay rasaas la dhaceyn Cabdullaahi Dhuguf oo ahaa nin aan waxba ka galabsan balse xoolihiisa dartiis u dileen, waxaana dilka kaddib si caadi ah goobta uga baxsaday kooxdii dilka geesatay oon wali heybtooda la aqoonsan.
Dhanka kale, xaafado katirsan degmada Deyiile ee gobolka Banaadir waxaa si joogta ah dhac iyo dhibaatooyin kalaba uga geeystay kooxo burcad hubeysan, kuwaa oo u badan askar katirsan ciidanka dowladda oo dareeskii iyo hubkii dowladda shacabka ku dhibaateenaya.
Ugudambeyn, laamaha ammaanka ee ka howlgala degmada Deyniile iyo maamulka ka jra degmadaasi, ayaa la sheegay in ay ka jiifteen shaqadii loo igmaday, waxa ayna shacabka cabasho ka yihiin burcada dhibaatada joogtada ah ku heysa.