Spain (KAAB TV ) Nin u dhashay dalka Lithuania ayaa lagu xiray dalka Spain kaddib markii uu ka been sheegay xanuunka wadne garaaca oo uusan qabin si looga dhaafo lacagta cunnooyinka uu ka cuno maqaayadaha.
Ku dhawaad 20 maqaayadood oo dunida dacalladeeda ku kala yaalla ayuu qaabkaas beenta ku maray – wuxuuna awooday inuu si dhib yar xeeladaas ku meelmaro marwalba oo uu maqaayad tago.
Ninkan oo 50 jir ah lama sheegin magaciisa waxaase lagu soo warramayaa inuu 20-meeyo maqaayado ah isku dhaafay oo badankooda ku yaalla gobalka Blanca ee dalka Spain. Marwalba oo raashiinka loo soo dhigo, wuxuu iska dhigaa qof uu hayo xanuun daran oo danka wadnaha ah – kadibna wuu isa suuxiyaa si loogu maleeyo inuu miir daboolmay. Mararka qaar, si run la mood ah ayuu kursiga uu ka fadhiyo uga faniinaa. Xeeladaas waxay uga shaqeysay dhowr meel iyo dhowr jeer. Balse mid kamid ah shaqaalaha maqaaxi uu malain joogay ayaa dareemay in ficilka ninkan uu ka badbadin yahay – wuxuuna bilaabay inuu sawirradiisa ku baahiyo maqaayadaha kale si ay uga feejignaadaan dhagartiisa.
Bishii tagtay, si kastaba, wuxuu joogay maqaayad ku taal Alicante, waxaana uu ku raaxaysanayay cunnooyinka badda sida kalluunka iyo koob wiski ah markii uu Kaaba-shaqaalaha uu soo hordhigay warqadda qaansheegadka oo ay ku qorneyd lacag dhan 34.85 euros ($37).
Markii uu kabalyeeriga ka tagay miiskii uu ninkan raashiinka ku cunayay, isna wuu ka daba-dhaqaaqay, waxaase horjoogsaday ilaalada ilinka hore ee maqaaxida oo u sheegay inuu iska bixiyo lacagta. Wuxuu isku dayay inuu ku maro been ah – waxaan lacagta idin kaga soo qaadayaa qolka aan hoteelka ka deganahay. Waase laga diiday. Waana markaas goortii uu lasoo baxay beentii suuxdinta iyo qalalka ahayd. Wuxuuna iska dhigay inuu hayo wadne xanuun.
“Wuxuu ahaa hab jiliin cajiib ah, wuxuuna iska dhigay qof suuxdin qaba isaga oo dhulka isku ridaya,”ayuu yiri maareeyaha maqaaxida. “Waxaan sawirradiisa la wadaagnay maqaaxiyaha kale si aysan ugu dagmin dhagartiisa.”
Shaqaalaha maqaaxida waxay halkii ay ka wici lahayeen gurmadka degdegga ah garaaceen ciidanka booliska, wuxuuse mar kale isku dayay inuu xattaa booliska ku dayo, waxayna u sheegeen inay hayaan dhammaanba sirtiisa oo uu joojiyo filimka beenta ah.
Bishii November 2022 ayuu soo bilaabay suuxdinta beenta ah.
Waxaana laga yaabaa inuu muto xabsi muddo labo sannadood ah.