SO | EN

SO | EN

Ninkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo loo magacaabay Nabad Sugidda KENYA

|

Nairobi (KAAB) Madaxweyne Kenaya William Ruto  ayaa Noordin Haji oo Soomaali ah u magacaabay agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka , sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Kenya.

Madaxwaynaha Kenya warka ka soo baxay ayaa lagu sheegay  haddii Baarlamaanku uu meel mariyo magacaabistan  Nooradin Haji uu bedelayo Philip Kameru oo lagu wado inu noqdo howlgab.

Ninkan Soomaaliga ah ee loo magacaabay taliyaha Sirdoonka Kenya ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay dalkaasi, waxaa sidoo kale aabihiis Yuusuf Xaaji soo noqday wasiirkii gaashigga dalka Kenya.

Haddii Barlamaanka dalkaas uu meelmariyo waxa uu noqon doonaa Wararka ayaa intaasi kusio daraya in mas’uulkan uu noqonayaa Soomaaligii u horreeyay ee xilka Sirdoonka Kenya loo magacaabo.

Hay’adda Sirdoonka Kenya waa meesha ugu weyn ee Indhaha lagu hayo, maadaama waaxdaan ay qaabilsan tahay xog iyo xuuraansi in ay raadiso.

Masuulkan uu NIS u magacaabay Ruto ee , Nuurdiin Xaaji ayay dad badan oo Kenya ku nool waxa ay aaminsan yihiin uu howshaan kasoo bixi karo haddii codka kalsoonida uu ka helo Baarlamaanka.

Mr. Nuuradin Xaaji ayaa hore uga tirsanaa laanta dacwad soo oogaha guud ee dalka Kenya waxaana sida la sheegay uu muujiyay karti iyo hufnaan shaqo.

Dacwad oogihii hore ee Kenya ayaa kamid noqday sidoo kale  xubno si dhow ugu soo baxay Liiska Dadka nasiibka u yeeshay in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Kenya William Ruto gaar ahaan marka la eego dhanka Soomaalida.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News