SO | EN

SO | EN

NISA oo albaabada u laabtay shirkadda isgaarsiinta ugu wayn Soomaaliya.

|

Muqdisho (KAAB) Hay’adda NISA ayaa xiray xarunta wayn Shirkadda Hormuud ee Suuqa Bakaaraha iyo Xarunta weyn ee Salam Bank ee Suuqa Bakaaraha.

Shalay ayey sidoo kale ciidamada amniga Xireyn Xarunta Shirkadda iyo Salam Bank ee Tareebiyaano, iyadoo war kasoo baxay Shirkadda NISA lagu eedeeyay in ay qaaday tallaabooyin sharci darro ah, balse NISA ayaa dhankeeda sheegtay in ay ka jawaabtay codsi hore shirkadda uga yimid ayna qaaday tallaabooyin sharci ah.

xildhibaanno katirsan golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u canbaareeyay weerarka ciidamada NISA ku qaadeen xarunta hormuud iyo xarig shalay u geesteen shaqaale katirsan Hormuud.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan in la weeraro xarumaha ganacsi laguna xad-gudbo, waxa ayna eedeyn xooggan u jeediyeen hay’adda NISA ay tilmaameen in ay ku xadgudbeyso nidaamka dowladnimada.

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa qoraal ay soo saartay  faah faahin uga bixisay sababta ay u xireen qaar kamid ah masuuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud xarunteeda magaalada Muqdisho.

Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa sheegay in codsi uga yimid shirkadda 26 bishii December 2023 inay weydiisatay inay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay argagixisada, kaddib baaritaan Hey’adda sameysay ay ku ogaatay in qaar ka mid ah shaqaalaha Hormuud ay wada shaqeyn iyo xiriir la leeyihiin Argagixisada.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News