Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

NISA oo dekedda iyo garoonka ku dhex qabatay saanad loo waday Al-Shabaab

|

Muqdisho (Kaab TV) – Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo howlgal culus qaaday ayaa gacanta kusoo dhigay agab iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo dajiyay dekedda weyn ee Muqdisho iyo garoonka Aadan Cadde.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in agabka ciidamada iyo saanad kale lagu qabtay gudaha dekadda, kuwaas oo ay sheegtay in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan looga soo dajiyay dekadda iyo garoonka Muqdisho.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Kooxda Al-Shabaab” ayay tiri NISA.

Sirdoonka Soomaaliyaa ayaa intaasi ku daray in uu si dhow ula socday saanaddan ciidan, ilaa iyo waddankii laga soo qaaday iyo mudadii laga shaqaynayay in la keeno gudaha dalka.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ay la socotay dhaq dhaqaaqa iyo xiriirka shabakad ballaaran oo kala joogtay dibadda, Muqdisho iyo gobollada, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sidoo lale xustay inay ka wada shaqaynayeen, soo iibinta, soo rarista iyo soo dejinta , si loo gaarsiiyo Al-Shabaab, ayada oo dhammaantoodna gacanta lagu soo dhigay.

“Dhammaan Shabakaddii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto, iyadoo qofna uusan ka baxsan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka NISA.

Dadkan ayaa waxaa sidoo kale ku jiro ganacsato waa weyn oo ay dowladdu siisay ogolaansho ah inay wadanka keenaan waxyaabaha ay u baahanyihiin, si ay ugu ganacsadaan gudaha waddanka.

Hay’adda ayaa sidoo kale la wareegtay afar baabuur oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkaan, si ay u geeyaan deegaanada Al-Shabaab ee ku yaalla gobollada dalka.

Dhanka kale, Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegtay in agab kale oo ciidan ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga sameeyay howlgal kale oo qorsheysan, kuwaas oo toos loogu keenay diyaarad.

“Dekadda iyo Airport-ka waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa caddeyn u ah shaqada adag ay haayaan hay’adaha ammaanka waddanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeenna” ayuu sii raaciyay qoraalka kasoo baxay taliska NISA.

Hasayeeshee, dowladda Soomaaliya ayaa horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la macaamiilka Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaallo culus oo uga furan gobollada dalka.

Hoos ka Daawo Sawirada.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News