Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

NISA oo dekedda iyo garoonka markale ku qabatay saanad ciidan oo loo waday Al-Shabaab

|

Muqdisho (Kaab TV) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta markale dekedda Muqdisho ku qabatay Konteener siday agab iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab.

Alaabtan oo u badan kuwa ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan saanad ciidan ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, islamarkaana laga soo dajiyay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa isla maanta waxaa lagu qabtay qalab kale oo loo adeegsado qaraxyada, oo isleeyihiin kan dekedda lagu qabtay, loona waday kooxda Al-Shabaab.

Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socday agabka iyo saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, kaasi oo howl-gal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay, sida uu warbaahinta u sheegay wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha XFS.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamed Cali Xaggaa  oo  shir jiraa’id ku qabtay, ayaa tilmaamay in sirdoonka Soomaaliya uu ku guuleystay la socoshada dhaq-dhaqaaq walba oo Shabaab dooneyso inay ku dhagarto shacabka, taasi oo sahashay in la helo xogtooda.

“Labada alaabood ee tan dekedda iyo garoonka waxay cadeynaysa in isla xidhiidhaan oo ay yihiin wax wada socda oo ay khidad ay maleegayaan argagixisada oo Ilaahay ka sakow ay ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha Xaggaa.

Xaggaa ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso inay dardar-galiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo hadda ka socda Gobollada dalka si amni looga dhigo caasimada iyo gobolada dalka oo idil.

Ciidanka hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 18-kii bishaan dekedda Muqdisho ku qabtay Konteenar lagu soo qariyey saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ku jireen alaab ciidan oo kala duwan.

“Dhammaan Shabakaddii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto, iyadoo qofna uusan ka baxsan” ayaa xilligaas lagu yiri bayaan kasoo baxay NISA.

Dekadda iyo Airport-ka ayaa ah labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa sidoo kale waxay muujinayaan shaqada adag ay haayaan hay’adaha ammaanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeenna

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya oo horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la-macaamiilka kooxda Al-Shabaab ayaa xilligaan waxaa ka go’an in tallaabo adag laga qaado danbiilayaasha iyo qof kasta oo ku kaalmaysa kooxda dhibaatada ay ku haayaan shacabka, ha ahaadaan ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo kamid ah bulshada.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News