Muqdisho (KAAB TV) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan.
NISA ayaa sheegtay in la ilay ilaa 11 Shabaab ah oo uu ku jiro horjooge sare, isla markaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan, ka fuliyay Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.
Howlgalka koowaad oo dhacay 12-kii Agoosto, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.
NISA ayaa sheegtay in halka ay duqeyntu ka dhacday uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Shabaab, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.
Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daaru Nimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Shabaab ah.

