SO | EN

SO | EN

NUXURKA khudbadda Madaxweyne Deni: 3 arrimood oo waaweyn

|

GAROOWE (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay khudbad ku aadaneyd sannad guurada 25aad ee aas-aaska Puntland ka jeediyay magaalada Garowe.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo qaaday saddex arrimood oo waaweyn oo taabanaya siyaasadda Soomaaliya, ka sokow inuu ka hadlay wax-qabadka xukuumaddiisa.

QODOBKA 1AAD: “Ma jiro Dastuur Soomaali leedahay oo dhameystirmi kara intay Somaliland maqan tahay. Dastuurka waa qabyo.”

Deni wuxuu sheegay in Dastuurka Qabyada ee Federaalka kaliya lagu dhameystiri karo marka la helo dhammaan qeybaha Soomaalida oo wadajira oo ay ku jirto Somaliland. Wuxuu xusay in Puntland ay diyaar u tahay ka qeybgalka wax Soomaali oo dhan heshiis ku tahay.
 

QODOBKA 2AAD: Hambalyada reer Laascaanood

Madaxweynuhu wuxuu u hambalyeeyay guulaha ay gaareen dadka reer Sool, Sanaag iyo Ceyn oo uu sheegay inay cod mid ah yeesheen.
“Waxaan u hambalyeynayaa dadka #SSC oo runtii muujiyay inay sharaftooda iyo karaamadooda dhowrtaan. Waxaan ugu hambalyeynayaa midnimada ay gaareen. Waxaan ugu hambalyeynayaa inay kalmadoodii ay mid noqotay. Waxaan ugu hambalyeynayaa inay mustaqbalkooda markan ka il duufi doonin doonin mar dambe. Waxaan u rajeynayaa inay gartaan nacabkooda iyo cadowgooda,” ayuu yiri madaxweyne Deni.
 

QODOBKA 3AAD: Ma jirto muddo kororsi Puntland ka dhacaya

“Dowladda aan mas’uulka ka ahay iyo anigaba, waxaan dadka reer PUNTLAND u sheegayaa, oo cod dheer ugu sheegayaa, dowladdaan aan madaxda ka ahay waxay diyaar u tahay inay doorashada xilligeeda ku qabato. Niyad KORORSI ah naguma jirto,” ayuu yiri.
Wuxuu sii raaciyay “Waan og nahay dhibka uu leeyahay. Waxaan rabaa dadka reer Puntland mar dambe inaan lagu beer-laxawsan.” 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News