MOGADISHU (KAAB TV) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shirka guud ee Qaramada Midoobay, waxyaabaha uu ka hadlay waxaa kamid ah Xaaladda Dalka, Amniga, la dagaalanka AS, Dastuurka iyo arrimo kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muddada uu xafiiska joogo in Dowladdu diiradda saartay adkaynta nabadgalyada oo isbaddel muuqda uu ka jiro haatan, waxaana uu intaas ku daray in weli ay ku howlan yihiin la dagaalanka AS.
Saaxiibada Caalamiga ah ee gacanta ka siinaya howlgalladaan ayuu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhiirrageliyay in ay xoojiyaan dedaalkooda si loo gaaro yoolka Shacabka Soomaaliyeed ee ah in guud ahaan Dalka laga saaro ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay.
Dowlad dhiska ayuu soo hadal qaaday, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud carrabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay gaarista hadalka lagu gaarayo dhabbaha dimuqraadiyadda iyo daah-furnaanta doorashooyinka.
Madaxda Qaramada Midoobay ee ka kala yimid dalalka kala duwan ayuu usoo jeediyay in ay xoogga saaraan sidii Soomaaliya looga gacansiin lahaa inta dhiman si loo gaaro ujeedka ah in laga gudbo doorashooyinka dadban isla markaana shacabka helaan awood ay wax ku dooran karaan.
57 sano kaddib ayuu sheegay in haatan qorshaha uu yahay inay Dowladdu qabato Doorasho qof iyo cod ah, tani waxa uu ku sifeeyay tallaabo xoojinaysa habsami u socodka soo kabashada Soomaaliya si looga gudbo waayihii kala duwan ee soo maray.
Gunaanadkii waxa uu soo hadal qaaday arrinta Falastiin, waxa uu ku booriyay codkiisa in la garab istaago walaalaha dhibban ee xaaladaha adag ku jira, waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya ay dhinac taagan tahay sidii reer Falastiin ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

