LUUQ (KAAB TV) – Odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle ayaa walaac ka muujiyay colaad beeleedka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo taasoo khasaare badan sababay.
Odayaasha oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Luuq ayaa sheegay inaysan jirin wax colaad ah oo ka dhexeysa Digil iyo Mirifle iyo beelaha Mareexaan.
Waxay sheegeen in dagaalku uu ka bilawday markii beelaha Macallin Weyne iyo Gabaa Weyn ay nin iska dileen gudaha degmada Luuq, balse ay sidoo kale koox maleeshiyo ah ay dileen nin kasoo jeeda beelaha Mareexaan.
Waxaa iyana jirta in la gubay suuqii degmada Luuq.