Beledweyne (KAAB TV) – Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ku guuleystay in la qaado isbaarooyin dhowr ah oo yaallay wadada isku xirta Beledweyne iyo Ceel Gaal ee gobolka Hiiraan.
Ugaaska oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo Odayaal dhaqameed kale ayaa u ambabaxay wadada dheer ee xiriirisa Matabaan iyo Beledweyne, si ay u burburiyaan isbaarooyinka, taasoo caqabad weyn ku ah ganacsiga iyo isu socodka dadka deegaanka.
ugu yaraan 36 isbaaro oo sharci darro ah oo ay ciidamo maleeshiyo ah soo dhigteen inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Matabaan ay lacago baad ah uga qaadi jireen wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada Ku dhawaad 200 oo baabuur oo siday sahay kala duwan ayaa ku xayiran isbaarooyinkaasi iyadoo maleeshiyaadku ay dalbanayeen lacago sharci darro ah.
Isbaarooyinkan ayaa qeyb ka qaatay sare u kac ku yimid qiimaha raashinka ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasin iyadoo ganacsatada ay la daalaa dhacayeen daabulida badeecadaha muhiimka ah, sababo la xiriira xayiraadda la saaray.