KISMAAYO (Baraarug) – Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa marar badan loo adeegsadaa colaadaha beelaha. Qaarkood waxaa lagu qasbaa ama lagu khaldaa inay ku biiraan kooxaha xagjirka ah, halka kuwo kalena ay doortaan inay dalka ka baxaan oo ay tahriibaan.
Laakiin, maxay odayaasha dhaqanka ka qabanayaan dhibaatadan sii kordheysa? Dhalinyaraduna maxay iyagu qaban karaan si ay uga qayb qaataan xallinta arrintan bulsho ee muhiimka ah?
Arrimahan ayaa ka mid ahaa qodobbadii muhiimka ahaa ee lagu falanqeeyay madasha dhageysiga Baraarug Listening Forum oo ka qabsoontay magaalada Kismaayo ee Jubbaland.