Sidii caadada ii ahayd waxaan halhaleel u soo galay meheraddii bunka ee Raxma, meherad ku taal xaafadda aan Hargaysa ka deganahay. Fadhigii aan fadhiistay iyo dalbashada ah ii dhiib kofee, tinish, duqur ah ayaa is xigay. Fiiqsigii bunka anoo wada, taleefoonka na gacanta ku haya ayaan is idhi wixii ay odhan jireen qolada nafsadda iyo rooxaaniyaadka ee ahaa daqiiqadaas aad ku sugan tahay noolow oo si wacan u dhadhami bal tijaabi, se waan Kari waayay oo telefoonkii intaan furay baan si faduul ah u galay xasuusqor kayga. Sidaan marba qoraal xun iyo mid wanaagsan, mid qosol leh iyo mid murugaba leh isha ugu dhufanyay ee u dhaafayay baa bunkii iga dhammaaday.
Anoo isku diyaarinaya in aan kaco, qado doonto oo seexdo ama wax iska daawado, ayaa waxa soo galay oday. Ha fadhiisto kursiga iga soo horjeeda, lugahana ha isa saarto. Wuxuu illan yahay buudh kalaasik ah, surwaal dameeriya iyo Shaadh caddays ah. Odaygu si buu ufiigsan yahay oo u didsan yahay, hareerahana u baaladaymoonayaa si uu wax iska eegayo ama u eegayo. Ishaydu waxay qabatay waraaqo badan oo uu sitay. Markiiba waxaan suuraystay suuro xoogan in uu yahay macallin. Maxaan kalee maleeyay? Waxaan maleeyay Sababta uu sidan oo dhan aanu u xasillayni in ay tahay xisaabaad nololeed oo isku qaban la; islaantii ay is qabeen oo qaylo ah biilka keen nafta kaga goysay iyo caruurtii oo dhankooda wixii maankooda qab ku soo dhaha, ha u baahnaadaan ama yaanay u baahnaane, aabbo waxaas noo yeel iyo aabbo waxaa kale noo samee ku subxaanalaysta ayaa madaxa ka galay. In waydiin jiraaleed ku taagan tahay una maaro la’ yahay baan is tusay, se waxaan xasuustay in qofku Marka uu da’dan oo kale soo gaadho aanu la waleecaadin waydiimaha la xidhiidha maqanta, taa beddelkeeda na uu meel uun ku calool-adaygo. Jaahwareerka jiraalku waxa uu badanka ku eeg yahay dhallinyarnimada iyo da’da dhexe.
Cabbar markuu xaladaas baaladaymoodka ah ku sugnaa, ayuu bilaabay in uu gashaantidii kofeega samanaysay u eego si qof wax ka dalbanaya, se waxba kama dalban. Mar kele ayaan maleeyay; in aanu haysan shilimaadkii kofeega ama uu la bakhaylayaba. Muddo ka dib koob buna ayuu ka dalbaday gabadhii, si dhakhsiyo badanna way usoo ag dhigtay. Labo jeer markuu fiiq…fiiq ka siiyay, jeebka shaadhka oo ay ugu jiraan qalin, leetar iyo baakidh sigaar ahi buu midh sigaara kala soo baxay baakidhkii.
Marna kofeeguu fiiqsadaa marna sigaarkuu afuufaa! Hadda maahsanaantii iyo didsanaantii badnayd way ka kala yaraadeen se may gaadhin heer aan laga dareemi Karin. Gunuus iyo hadallo aan la fahmayn baa carrabkiisa ka soo duul duulaya. Mar buu yidhi wax u eeg “ There is a life!”
Goortii uu isla helay sigaarka iyo kofeega, anigu waxaan ka fekerayay filim aan aad u jecelahay oo la dhaho “Coffee and Cigarettes”.
Labadaas iyo xaaladdii ku wehelinaysay saga oo dhex maquuranaya, waxa u yimi oo salaamay nin ay saaxibo yihiin, sida aan ka fahmay tabta ay isu qaabileen. Sigaar, kofee iyo saaxiibkii jeerkii uu isla helay deganaan ruuxeed baa foolkiisa laga dheehanayay. Goortaas baa odaygii ugu dambaysay xaaladdii waalida aan waxba dhaamin. Waa kaa wax waraystay, la warayatay, ka dibna la is waraystay! Waxbarashada, dhaqaalaha, iyo iinsaannimada ayay si guud wax uga dheheen. Intaas dabadeed, sidii soomaali caadada u ahayd si aan ka fiirsi la hayn oo sibiq ah bay u galeen arrimihii siyaasadda, mise siyaasad soomaali…. Mid uun u badi. Itoobiya iyo Masar bay siyaasaddooda si taariikhaysan uga hadleen. Halkaas baan kaga hadhay la socodkii sheekadooda, waayo nin aanu saaxiibo nahay baa ii yimi.
Meheradii markaan ka soo kacay, waddadii xaafadda aadaysayna qaaday, waxa maan kayga ku sawirnaa sidii odaygu u nafisay una farxay goortuu isla helay; sigaar, kofee iyo saaxiibkii. Isla daqiidahaas waxaan jeclaystay in filimkaas magaciisu ahaan la ahaa “Coffee, Cigarettes and friends”.
Soomaalidu ma leh dhakhtar cilmu-nafsi, balse fadhi-ku-dirirka makhaayaduhu waa cisbitaalkooda kasmonafeed. Sheekada maqaaxiyuhu kaliya ma aha kulan firaaqo; waa goob nafsi ah oo bulshada Soomaaliyeed isku baanato. Halkaas ayaa murugada lagu kala qaataa, farxadda lagu wadaagaa, niyaddana lagu soo nooleeyaa.
Laba habeen ka dib, riyooyin goos goos ah oo kala duwan baan ku riyooday. Waxa ka mid ahaa kulan aan la yeeshay odaygii kofeega. Goor maqaariiba ayay ahayd, markii aan fadhiisanay meherad kofee aan tii raxma ka fogayn. Isbarasho guud buu iigu sheegay in la dhaho Axmed, macalin Dugsi oo dhiga maaddooyinka tarbiyada iyo biyoolojiga na yahay. Hadal kaasi goortii uu ka so dhammaaday afkiisa, waxaan ka fekerayay sida ay u kala tagan yihiin ama isku jiidhayaan labadaas maaddo in le’eg ama ka badan in ay is diidan yihiin hab-fekerkiisa iyo waaqacu.
Gebagabadii kulan kaas, Axmed waxaan ku ganay waydiin caato iila muuqatay. Rejo iyo Rejo la’aan maxay ka dhigan yihiin? Se wax u dhexeeya ma jiraa? Si danayn la’aani ka muuqato ayuu uga jawaabay “ Rejo iyo Rejo la’aan waa laba lid isku ah. In aad in uun Rejo leedahay waa noolaanshaha nolol wax uun macno leh. Rejo la’aantuna waa dhimashada teeda ugu xun, adoo lugaynaya ayaad dhimanaysaa calaashaan mayd socda. Se waxa jira meel u dhaxaysa labadaas; hal mar baanay jirin Rejo, isla markaana qofku Rejo la’aan maaha mana quusan waayo markii horeba wax rejo u ah iyo wax uu ka quusto toonna may jirin. Waa tabta aad ku tahay walxaha qaar ama noolayaashaba,_ma jeclid mana necbid.
Xaaladdan mar waxa lagu sheegaa khalkhal maskaxda ku yimaadda, mar kalena qaangaadhnimo…” Adeer, talo-nololeed maxaad igu darsan lahayd? baan waydiiyay Axmed. Intii aanu ii jawaabin ayaan ka toosay riyadii! Dhanka kale intaan isku rogay baan ka yara fikiray macnaha riyada iyo waxa ay dhab ahaan tahay, jeer aan gam’ay, haddana aan dib u riyooday!

