SO | EN

SO | EN

OGOW Sheekooyin Dowladdu qarisay oo ka jira Garoonka Aadan Cadde

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Saraakiisha ciidanka ATMIS ee ku sugan Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa hakiyay dhaqdhaaqa Garoonka ka dib shaqaaqo ka dhalatay dil ciidanka ATMIS u gaysteen muwaadin Soomaaliyeed.

Jahwareer ayaa ka taagnaa tan iyo shalay dhaqdhaaqa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho sabab la xiriirta go’aanka ka soo baxay saraakiisha ciidanka ATMIS ee maamula garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Garoonka ayaa sheegay in talaabadan saamayn ay ku yeelatay dad badan oo doonayay in ay u safraan  gobolada dalka iyo kuwa kale ee ka soo degi lahaa labaduba.

Dowladda Soomaaliya  – gaar ahaan wasaaradda Gadiidka iyo duulista hawada ayaa xogtan gabi ahaanba dabooshay oo aan la wadaagin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adeegyada ugu baahnaa Garoonka.

Sidoo kale Garoonka Aadan Cadde waxaa ka jira cabasho ay qabaan diyaaradaha kuwa qaada xamuulka oo lagu soo rogay canshuur dheeraaad ah oo aan hore loogu qaadi jirin

Diyaaradaha qaar ayaa la sheegayaa in ay joojiyeen qaadista xamuulka ka dib markii ay ku warameen in aysan is qaban karin qiimaha lagu soo rogay iyo qidmada ay ku qaadaan Xamuulka.

Labada dhacdo ayaa=y saraakiisha ammaanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Garoonka Aadan Cadde aysan la wadaagin shacabka, waxaana la sheegayaa in wali wax xal ah laga gaarin dhacdooyinka is daba yaala ee ka jira Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News