SO | EN

SO | EN

Omar Abdirashiid‘’Heshiiska madasha waa qar iska tuurnino & keli talisnimo hor leh ‘’

|

Muqdisho (KAAB) Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ka falceliyay ,  qodobo ka mid ah heshiiska doorasho ee magaalada Muqdisho ay ku gaareen xubnaha madasha wada-tashiga Qaran

Cumar Cabdirashiid ayaa oo bartiisa twitterka qoraal soo dhigay  ayaa sheegay sida uu yiri in Golaha wadatashiga Qaran  isku bedelay nidaam kali talis ah.

Ra’iisulwasarihii hore ee hore dalka ayaa qoraalkiisa uu soo dhigay twitterka ku yiri

”Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore, nidaamkii xisbiyada badanna la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay”.

Omar ayaa xusay in  qodobada ay qaateen xubnaha madasha wadatashiga Qaran ay uga sii dari karta xaaladda Soomaaliya maadama ayuu yiri ay  sameysteen muddo kororsi hor leh.

Go’aanada la soo saaray ayuu yiri waxay ahaayeen kuwo iskood ah , loona baahnaa in si feejigan loo dhiraandhiriyo.

Omar waa uu sii hadlay oo waxa uu markale yiri qoraalka kooban ee uu soo dhigay twitterka  “Tanni waxay keliya ka dari karta sunta degaankeena ee siyaasadded”

Hadalka Omar Cabdirashiid Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa imaanaya saacadu uun ka dib markii xubnaha madasha wadatashiga Qaran ay ku heshiiyeen in doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, isbeddel weyn lagu sameeyey isla markaana ay isla ogalaadeen in  dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News