NAIROBI (KAAB TV) – Waayadan dambe waxaa soo badanayey cabashada dadweynaha ku dhaqan gobolka Banaadir iyo deegaanada ku dhow oo ka cabanaya in xuquuqdoodii mataaladda ay maqan tahay.
Waxa jiray bannaanbaxyo ka dhacay deegaanka Daaru-Salaam iyo Garas-Baaley oo looga cabanayay in la fara-maroojiyay matalaadda dadka deegaanka.
Sidoo kale, dhanka Hirshabelle ayaa sidoo kale dadka ay qabaan tabasho.
Waxaa barnaamijka ON THE SPOT ee KAAB TV aan ku wareysannay Shuuriye Maxamed oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Dhaqdhaqaaqa Dulmi-Diid Qaran oo u ol’oleeya xuquuqda muwaadiniinta.