SO | EN

SO | EN

Pakistan oo xukun dil ah ku riday afar nin oo aflagaadeeyay Diinta Islaamka

|

Pakistan (KAAB TV) – Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa afar nin ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay baraha internet-ka ku faafiyeen qoraallo lagu aflagaadeynayo diinta, sida uu maanta sheegay xubin ka mid ah koox “qareenno gaar ah oo is-abaabulay” oo dacwaddan soo oogay.

Sidoo kale, Afarta nin ayaa lagu xukumay magaalada Rawalpindi, oo ah magaalo ciidan oo ku dhow caasimadda Islamabad, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Rao Abdur Raheem, oo ah qareen ka tirsan Guddiga Sharciga ee Ka hortagga Aflagaadeynta Diinta ee Pakistan (LCBP).

Aflagaadeynta diintu waa eedeyn culus dalka Pakistan oo ay Muslimiintu u badan yihiin, halkaas oo xitaa eedeymo aan la hubin ay kicin karaan caro dadweyne oo sababi karta dilal sharciga baal-marsan.

Dhanka kale, dalka Pakistan ayaa waxaa aad ugu soo badanayay dacwad-oogista kiisaska aflagaadeynta diinta ee online-ka, iyadoo kooxo gaar ah ay dacwado ka dhan ah boqollaal dhallinyaro ah ku soo oogayaan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen falal aflagaadeyn diinta ah.

“Waxaa lagu xukumay dil Jimcihii, kadib markii lagu helay inay online-ka ku faafiyeen qoraallo aflagaaddo ah oo ka dhan ah Nabiga Muxammad (NNKH) iyo Qur’aanka Kariimka,” ayuu yiri Raheem oo la hadlay AFP Isniinta maanta ah.

“Dacwaddeenna waxaa lagu xoojiyay caddeymo forensik ah oo laga soo uruuriyey aaladihii loo adeegsaday falkan foosha xun,” ayuu raaciyay isagoo ka hadlayay mid ka mid ah dacwadihii ugu dambeeyay ee kooxda LCBP ay soo oogtay.

Xukunkan ka dhacay dalka Pakistan weli haddana wali cidna uma dilin aflagaadeynta diinta darteed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News