SO | EN

SO | EN

Prof. Ibraahin Maygaag Samatar

|

Ibraahin Maygaag Samatar, waxa uu ku dhashay Hargaysa dabayaaqada 19938dii. Waxa uu wax ku bartay dugsiyadii caanka ahaa Camuud iyo sheikh labadaba. Intaa ka dib, waxa uu dalka Ingiriiska ugu baxay jaamacad isaga oo 1962 ku biiray jaamacada Yale. Waxa uu ahaa aqoonyahan, halgamaa iyo siyaasi wacyi leh oo hadalkiisa iyo khudbadihiisuba ay ka marag kacayeen in uu yahay siyaasi afkaar togan leh.

Waxa uu u taagnaa siyaasadda iyo dawladnimada dhabta ah, sidoo kale waxa uu wacyi u lahaa xeerarka iyo waaqaca guud siyaasadda. Waxa uu qoray, qoraal cilmiyeed iyo xasuusqor laga dheehan karo wax kasta oo uu Ibraahin u taagnaa. Waa maqaalka “Where I stand”, oo u uku galaa bixiyay wixii u muuqday ee dhaliil iyo toosin ba uga baahnaa, isaga oo waajibkiisa indheergaradnimo guydanayana, waxa uu curiskaa ku soo gdubiyay afkaaro badan oo macna le. Profku waxa uu, sida la sheegay turjumay buugga caanka ah ee Baaqa Shuuciga, hase ahaatee buuggaasi ifka uma soo bixin.

Sanado uu dibadda ugu maqnaa waxbarasho jaamaceed, markii uu soo laabtay, waxa loo magacaabay agaasimihii waaxda miisaaniyadda ee wasaaradda maaliyadda ee dawladdii rayidka ahayd. Halkaas ayuu ka soo bilaabay safarkiisii dheeraa ee siyaasadda, aqoonta, jabhadnimada iyo adeegga bulsho lahaa.

Markii kacaanku dhashay ka dib, waxa loo magaacaabay wasaaraddii maaliyadda. Isla waayadaana waxa uu noqday kaadiriintii Shuuciyadda loo ga danbaynayay ee hantiwadaagga cilmiga ku dhisan sharraxayay. Waxa kale oo uu xiligii kacaanka noqday safiir dalka ku metala dhulkii la odhan jiray Jarmalka galbeed. Si guud waxa uu dawladdii kacaanka u adeegayay ku dhawaad toban sano.

Markii uu bilawday dhaqdhaqaaqii laga ga soo hor jeeday kacaanku, waxa uu prof. Ibraahin Maygaag u baxay dalka dibadiisa, muddo yar ka dibna waxa uu ku biiray SNM, isaga oo noqday xubnihii muhimka ahaa ee aqoonta iyo wacyiga sare golaha ku biiriyay. Shirkii Boorame ee 1993 waxa uu profku isu sharraxay madaxwayne, kuma uu se guulaysan. Waxa uu sidoo kale noqday gudoomiyihii ugu horeeyay ee golahaha guurtida Soomaalilaan.

Ibraahin Maygaag Samatar waxa uu ku jiray dad dhif ah oo dowladnimada fahan wanaagsan ka haystay bilawgii dawladdii rayidka ahayd, tii kacaanka iyo ugu danbayntii oo uu SL ku qaatay waqtigiisii ugu badnaa uguna danbeeyay waxa uu ahaa qof u taagan indheergaradnimo iyo akhris siyaasadeed horusocod ah.

Ibraahin Maygaag waxa uu waqti badan ku bixiyay sidii ay u dhalan lahayd dawladnimo macna leh ee Somaliland u noqon lahayd nidaam hufwan oo ka ceeb la’ dhaliilaha soo jireenka ah ee dawladnimada Soomaalida ragaadiyay. Waxa uu qabay aragti dad badanina la qabeen oo ah in SL sida ay muhiimka ugu tahay aqoonsi dibadda ah, si la mid ah ay muhiim u tahay is-aqoonsigeeda gudeed iyo in ay iyadu guhaheeda hagaajisato, dhan dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ba. Tusaale ahaan, mar isaga oo Addis Ababa jooga wax laga waydiiyay arrimaha aqoonsiga SL, sanadii 1993kii, waxa uu yidhi: “Aqoonsigu waa masalo ku haboon in waqtigeeda laga hadlo. Aqoonsiguna noocyo badan buu leeyahay, aqoonsigu mar waa mid naftaada iyo gudahaaga ka dhalan kara, marna waa mid dibadda kaaga imanaya.

Aqoonsiga gudahaaga ka dhasha, haddii aad xaaladahaaga gudeed hagaajisato, iyada oo aan dibadda cidi kaa aqoonsan baad waligaa dawlad ahaan kartaa.” Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa Taywan, iyo Jaynaha oo uu xusayo in isaga qudhiisu muddo badan bilaa aqoonsi ahaa. Waxa uu intaa ku darayaa in si kasta oo ay muhiim u tahay in SL amnigeeda, dhaqaalaheeda iyo xasiloonideedaba u ilaaliso haddana ayna intaasi ku filnayn aqoonsi dibadeedna lagu raad joogo. Waxa uu ku dooday in SL gar sharci ah oo ay aqoonsiga ku heli kartana ay haysato oo ay xaq u leeyihiin.

Prof. Ibraahin Meygaag waxa uu fahansanaa dawladnimada. Wacyigeeda iyo aqoonteedana waa uu lahaa. Waxa uu fahansanaa waaqaca siyaadda Soomaalida, islaamka, qabiilka iyo dawladnimada. Garanayay dimuqraadiyadda iyo waxa ay tahay.

Waxa aynnu intaas oo faahfaahsan iyo maqifkiisii siyaasadeed ba ugu tegaynaa maqaalkiisa “Where I stand” oo sidoo kale, uu kaga warramayo wax badan oo taariikhdiisa ah. Waxyaabaha uu maqaalkiisaa ku xusay waxa ka mid ah dhaliisha uu u u hayay nidaam xisbiyeedka SL isaga oo ku dooday in lagu degdegay qaadashada nidaamka xisbiyada badan.

Waxa uu dooddiisa ku xoojiyay in ay muhiim ahayd in bilawgaba dadka la fahansiiyo in xisbiyadu ku dhismaan mabaadii’da xaaladaha, iyo dabaqadaha ku kala aroora oo ku salaysan. Taas baa sahli lahayd in qofku ku biiro xisbi uu doortay oo uu afkaar ku raacay. Marka aad dib u eegto sida ay maanta xisbiyada SL yihiin waxa soo baxaya in waaqacu u hiiliyay Ibraahin Meygaag Samatar. Isaga oo ka hadlaya dimuqraadiyadda waxa u uku dooday in asalkaba eraygaa la khalad fahmo inta badan inaga iyo dunidaba, hase ahaatee waxa uu tibaaxay in badnaanta xisbiyadu ayna mushkilad sideeda u ahayn oo dunidaba ay ka soo jirtay, waxa se dhaliisha ahi ay tahay in nidaamka xisbiyada badani aanu ahayn dawadeenna.

Prof-ku waxa uu maqaalkiisa Where I stand kaga faalooday islaamka, midnimada Soomaalida, dimuqraadiyadda iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Prof. Ibraahin Meygaag isaga oo dhaqaalaha iyo SL ka hadlaya waxa uu qoraalkiisan ku yidhi:

Waynu ognahay inaynu sabool nahay. Laakiin saboolnimadu una baahna in la hiifo. Waddamo inaga khayraad yar oo haddana saboolnimada ka baxa baa jira. Horumarinta dadka iyo diyaarintiisu waxay inaga furanaysaa khayraad la’aanta oo ay mucjisooyin dhashaa. In tacliinta iyo caafimaadka la maalgashado waa koritaan bulsheed, waa adkayn midnimo iyo dareen lahaansho la isu wada hayo iyada oo isku hal mustaqbal iyo himilo mida oo ka dhaxaysa muwaadiniinta kala qabiilada duduwan ah.”

Midnimada Soomaalida marka uu ka hadlayay waxa uu xusay in ay ahayd wax la wada jeclaa oo loo han waynaa. Waxa uu xusay in isaga oo yar oo dugsiga dhigta uu la dhacsanaa riyadaa, isaga oo waynna uu ka shaqeeyay sidii ay ku taabagali lahayd. Sidaas oo ay tahay, waxa uu ku doodayaa in aanay imika suurtagal ahayn midnimo Soomaaliyed. Jabuuti waa dal madax banan, Soomaalida Kiiniya iyo Itoobiya ku hoos noolina waxa ay ku dedaalayaan in ay dhulalkaa ka helaan xuquudooda iyo baahiyahooda, waxa kali ah soo hadhay waa Soomaalilaan iyo, Soomaalia ayuu leeyahay.

Mar kale, isaga oo islaamka faallaynaya waxa uu leeyahay: “Waa xaqiiqo in Reer galbeedku sawir inaga bixiyeen ah in islamku yahay bini’aadamdiid, haweendiid, dimuqraadi-diid iyo ta ugu danbaysay oo ahayd argagixisinimo.”

Waxa uu Ibraahim xusayaa sida Orientalist-ga reer Galbeedku ay rayi’caamka dunnida u jiheeyeen ee sawir wanaaga ah u saaraan waxa ay wataan, waxa ay diidantyihiina sawir xun ka bixiyaan.

Tusaale waxa uu soo qaadanayaa in gumaystuhu Orientalis-ga ka faa’idaystay oo is ku sifeeyay horusocod, macquul ah oo garasho leh. Halka dadka uu gumaystayna ku sifeeyay lidkeeda oo ah dad waxmagarato ah oo u baahan in la xukumo oo la ilbixiyo.

Prof. Ibraahin Maygag Samatar.
Prof. Ibraahin Maygag Samatar.

Waxaa jira aragti la yidhaahdo Isjiidhka Ilbaxnimooyinka (Clash of civilizations) oo ay reer Galbeedku qabaan. Waa aragtida eelka u ah dagaaladii Ciraaq iyo Afgaanistaanba. Si loo ilbixiyo, waa in la dimuqraadiyeeyaa oo xukunka laga beddelaa cidda joogta.

Waa feker halis, inaga iyo iyagabana u daran. Wax uu xumeeyo mooyee aan waxbana hagaajin. Isjiidhka ilbaxnimooyinku waa khiyaali qofi iska dhaadhiciyo, mana aha xaqiiqo taariikheed. Waxaa la ogyahay in Islaamku nooleeyay dhaxalkii Masaarida, kii Giriiga iyo kii Roomaankaba. Mutacallimiintii Islaamkuna sida Ibmu Rushdi iyo Ibnu Khalduunba waxa ay dhaxalkoodaa barteen Dark Ages-kii. Diimaha iyo dhaqamaduna, wax bay kala bartaan ee isma jiidhaan haddii aanay khiyaali qofi iska dhaadhiciyay ahayn.

“Taariikhada Islaamka waa la ogyahay in aynu mar iyaga macallimiin u ahayn, iyana ay iminka inoo yihiin. Ma aha arrin cilmi ah, waa arrin awoodda la xidhiidha. Si kasta oo Islaamku meel sare u gaadhay, waxa gaabiyay khilaafyo gudeed kooxaysan. Metelan Muslin iyo Shiico iyo Cabaasiyiin iyo Umawiyiin. Maxay haddaba umadda Islaamku u baahantahay? Waxa dawo u ah in; la nooleeyo akhlaaqda islaamka, in waddamada is dumuqraadiyeeyaan oo codka dadwaynaha la wada maqlo, laguna xukumo. In waddamadu is wada kaashadaan, xaaladan lagu jiro iyo in weerarkaa islaamka lagu hayo la iska dhiciyo oo miisaankeenna aynu muujino.

Ibraahim, waxa uu naqdinayaa in kooxo wareersani ay dad aan waxba galabsan magaca Islaamka ku laayaan hadday dooonaan iyaguba muslina. Ma habboona in loo diirnaxo. Ficiladoodaasina waxa ay cudurdaar siiyaan sawirkii reer Galbeedku islaamka ka bixinayeen ee xumaa ee keenayay in la soo weeraro akhlaaq ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Xamaas iyo Xisbullaahba waxa ay halgan dhab ah bay ku jiraan. Laakiin kooxaha aan cidna metelin haddana isu tixgeliya in ay iyagu magacii Islaamka haystaan ee foolxumyooyinkaa sameeyaa, ma mudna in tudhaale loo muujiyo ama loo cudurdaaro.

Islaamka waxaa sal u ah oo aynu haysanaa Quraanka iyo sunnada nebiga. In wax la isku maandhaafaa waa caadi oo waa sababta shuuradu u jirto. Waa sida go’aamada bulshada loo gaadho. Waxa aynu xasuusanahay in sharciyaqaannadii mutacllimiinta ahaa ee Islaamku ay tan dhaqangeliyeen, nebiga sannado badan kadib sida Khulafaa’u Raashidiinkii.

Prof. Ibraahin Meygaag Samatar, waxa uu ahaa indheergarad iyo aqoonyahan ku xeeldheer dowladnimada. Waxa tusaale ah sida uu qoraalkiisan ugu lafaguray arrimahaas oo dhan, iyo sida uu mar kasta ugu taagnaa dawladnimo sax ah oo shacabku fahan ka haystaan.

Waxa jira qoraal kale oo uu Ibraahin Meygaag qoray, kaas oo si gaar ah uga warramaya taariikhdii iyo marxaladihii SNM soo martay. Waxa u uku qaadaadhigay sooyaalkii SNM, isbedaladii ay maraysay jabhaddu, sidii ay ku bilaaban tay, goortii u uku biiray iyo doorkiisii ba. Waxa sidoo kale jira buug isaga laga qoray oo taariikhdiisii ku saabsan. Ugu danbayn, Ibraahin Meygaag waxa 1dii February, 2011 ku geeriyooday dalka Jabaani isaga oo macallin ka ah jaamacad halkaa ku taalla.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News